SoDMA oo soo gabagabeysay tababar ku saabsan Sugnaanta Cuntada + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigenka Hay’adsa Maareynta Musiibooyinka XJFS Muddane Dr Ahmed Abdi Aadan ayaa soo xiray tababar ciwaankiisu yahay Tilmaamayaasha Sugnaanta Cuntadda iyo ( Food Security and Nutrition Indicators Training).

 

Tababarkan waxaa soo qaban qaabiyay waaxda u adkeysiga aafooyinka iyo xalalka waara ee Barakacayaasha ee Hay’dda gaar ahaan qaybta sugnaanta Cuntada iyo nafaqeynta IPC, waxaana taaba gelinayay hay’adaha kala ah FAO iyo FSNAU.

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb galay dowladda Gobaleedyada, Gobolka Benaadir – BRA, iyo Shaqaalaha Hay’adda SoDMA, waxuuna Socday muddo Shan Maalmood 06 – 10 November 2023.

Tababarkan ayaa ahaa mid lagu dhisayo aqoonta shaqaalaha heer Federal iyo heer maamul Gobaleed ee Tilmaamayaasha Sugnaanta Cuntadda iyo ( Food Security and Nutrition Indicators Training).

Tababarka waxaa ka faa’iideystay shaqaalaha Hay’adda & MM iyo Saraakiil heer Dowlad gobaleed si loo kobciyo aqoontooda iyo xirfaddooda.

Guddoomiye ku xigenka Dr Axmed Cabdi Adan ayaa sheegay in tababarrada aad loogu baahanyahay lana kordhin doono.

Sidoo kalana la dardaarmay ka qaybgalayaasha ka qayb galayay tababarka Kuna booriyay in ay fursadan ka faa’iideeytaan, kana soo baxaan waajibaadka ka saaran in lagu shaqeeyo aqoonta ay qaataan mar walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here