SoDMA oo tababar ku saabsan ka jawaabista xaaladaha degdegga ah soo gebagabaysay

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa tababar kor loogu qaadayay aqoonta dhallinyarada iyo mutaddawiciinta Soomaliyeed ugu soo xirtay magaalada Muqdisho.

 

Tababarkan ayaa loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan in ka badan 30 qof oo ka tirsan dhallinyarada iyo mutaddawiciinta ku nool Gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saarayay aqoonta aasaasiga u ah fahamka u diyaar-garawga iyo ka jawaasibta musiibootinka deg degga ah erey cilimiyeedyada la xiriira arriamah maareynta musiibooyinka, fahamka hoggaaminta iyo maamulka arrimaha u diyaar garowga iyo ka jawaabsita deg degga ah.

Tababarkan waxaa hay’adda ka caawiyay Hay’adda Horumarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay (UNDP), hadafkiisana waxa uu yahay suurta galinta hannaan wada shaqaynayd ee ka dhexeeay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mutadawiciiinta ah ee ku nool Magaalda Muqdishu.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Howlgaladda Gurmadka Degdega ee Hay’adda SoDMA md. Xasan Ciise ayaa soo xiray tababarka uguna mahadceliyay la taliye sare Mukhtar Sheekh Xuseen oo isku soo dabariday qabashada tababarkaan ahna tabbabaraha, sidoo kalana kula dardaarmay dhallinyarada iyo mutadawiciinta Soomaliyeed, md xasan ayaa xusay in qaybo kale oo dhalinyarada ah horay  loogu qabtay tababarkan lana sii wadi doono.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here