SoDMA oo tababar u furtay qaar kamid ah shaqaalaha hay’adda + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kaashaneysa Hay’adda IOM DTM SOMALIA ayaa maanta xarunta dhexe ka furtay tababar sare loogu qaadayo xirfadda shaqaalaha hay’adda.

 

Tababar-kan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda SoDMA ayuu u jeedkiisu yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawl-wadeennada hay’adda, waxaana si gaar ah loogu baranayaa nidaamka maaraynta macluumaadka ee lagu aruuriyo laguna dabagalo xogaha barakacayaasha kaas oo loo yaqaan Matrixka Dabagalka Barakaca (DTM).

Aqoon-kororsigaan waxaa si wadajir ah u furay agaasinka u adkeysiga iyo xalka waara ee barakacayaasha ee hay’adda SoDMA iyo Isku-duwaha hawlaha IOM DTM SOMALIA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here