Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Serbia, Marko Đurić, ayaa wada-hadal dhanka taleefoonka la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Moalim Fiqi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Đurić ayaa uga mahadceliyay Soomaaliya taageerada ay u muujisay midnimada dhuleed iyo qarannimada Serbia, isaga oo xusay in Serbia ay ixtiraamayso madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Wuxuu kaloo caddeeyay in labada dal ay sii wadayaan taageerada, wuxuuna uga mahadceliyay Soomaaliya mowqifkeeda ku aaddan gobolka is-maamulka Kosovo-Metohija.
Đurić wuxuu xusay saaxiibtinimada dheer ee labada dal ka dhaxaysa, isagoo ballan qaaday in Serbia ay sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.
“Iskaashigeenna laba geesoodka ah wuxuu ku saleysan yahay saaxiibtinimo soo jireen ah, Dhaqdhaqaaqa Aan La Safaneyn, Axdiga Qaramada Midoobay iyo is-ixtiraam,” ayuu yiri Đurić.
Tan iyo markii dib loo furay safaaradda Soomaaliya ee Serbia, xiriirka labada dal ayaa horumaray, iyagoo ballaariyay iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada iyo dhaqaalaha.
Wasiir Fiqi ayaa xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka, isagoo xusay muhiimada ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, tababarka, waxbarashada iyo maalgashiga.
Serbia ayaa tababar siisay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan ilaalada madaxtooyada, halka booliska Soomaaliyana ay ka faa’iideysteen barnaamijyada tababarka.
Waxbarashada ayaa sidoo kale diiradda la saaray, iyadoo Serbia ay siiso deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, ayna muujisay rabitaanka kordhinta fursadaha waxbarasho.
Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa helay bogaadin, iyadoo si gaar ah loo ammaanay safiirka Soomaaliya ee Serbia, Maxamed Cabdullahi Axmed, doorkiisa xoojinta xiriirka labada dal.
Wadahadalladan ayaa muujinaya sida ay labada dal uga go’an tahay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, amni, dhaqaale iyo horumar waara oo ay wadaagaan.