Somalia oo loo doortay xubinimo aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka

0

NEW YORK (SMN) – Kal fadhiga 78-aad ee Qaramada Midoobe ayaa Soomaaliya loogu doortay xubinimo aan joogta ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Waa markii labaad mudo 52 sano ah Soomaaliya ay kursigan hesho waxaana arintan ay daliil u tahay soo kabashada ay Soomaaliya ka sameysay arimaha diblumaasiyada, amaanka iyo siyaasada.

Soomaaliya ayaa aheyd musharaxa kaliya ee ka socday Bariga Afrika, waxaana si buuxda u taageeray Midowga Afrika ka hor doorashada.

Soomaaliya ayaa soo ceshatay mansabka iyo saameynta ay ku lahayd fagaareyaasha caalamka.

Madasha Golaha Ammaanka waa halka lagu jaangooyo Arrimaha muhiimka ee caalamka sida amniga, xasiloonida iyo siyaasadda

Soomaaliya ayaa qeyb ku yeelan doonta go’aanada waaweyn ee aduunka saameynta ku yeelanaya iyo jiheynta siyaasadda iyo amaanka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here