Somaliland: 40,749 arday ah oo u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah

0

Hargeysa, Soomaaliya – Maanta oo Sabti ah ayaa si rasmi ah imtixaanka shahaadiga ah ee sanadka dugsiyeedka 2024–2025 uga billowday guud ahaan gobollada iyo degmooyinka maamulka Somaliland, sida uu shaaciyey Xafiiska Imtixaanaadka & Shahaado Bixinta.

 

Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaankan sanadkan ayaa gaareysa 40,749 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Ardaydan ayaa u kala fadhiisanaya saddex heer oo kala duwan:

  • Dugsiga Sare (Form Four): 15,696 arday
  • Dugsiga Dhexe (Intermediate Grade 8): 24,836 arday
  • Farsamada Gacanta (Secondary Technical): 217 arday

Imtixaanka ayaa lagu galayaa 304 goobood oo ku yaalla dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, iyadoo si weyn loo adkeeyey amniga iyo hab-raaca imtixaanka, si uu u dhaco si hufan oo xasiloon.

Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaado Bixinta ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray dhammaan ardayda, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar. Waxa kale oo la xusay in la diyaariyey guddi kormeero oo sugi doona tayada iyo hufnaanta imtixaanka inta uu socdo.

Tani waa tallaabo muhiim u ah horumarinta tacliinta Somaliland, iyadoo san walba ay kordhayaan tirada ardayda ka qaybgalaysa imtixaanaadka shahaadiga ah.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here