Somaliland oo 9 askari looga dilay dagaal ka dhacay buurta Gacan-Libaax

0

HARGEYSA (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor-imaad hubaysan oo shalayt dhexmaray ciidamada booliska ee Somaliland iyo kooxo hubaysan oo ku sugan buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbaahinta la hadlay iyaga oo faahfaahin ka bixiyey khasaraha ka dhashay iska hor-imaadkaas hubaysan.

Dabagale ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada booliska waddada loo galay, isla-markaana laga dilay 9 askari, sidoo kale laga dhaawacay 17 kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay ka jawaabi doonaan dhacdadaas iyo mudaharaado uu sheegay inay sharci-darro yihiin oo ka kala dhacay Hargeisa, Burco iyo Ceerigaabo.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay ee buurta Gacan-Libaax oo hoostagta Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here