LAASCAANOOD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland ay waddo qorshe dib u garasho ah oo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoogan.
Ilo wareeydo lagu kalsoon yahay oo dhanka amniga ah ayaa innoo sheegay in Somaliland ay qorsheyso in ciidamadeeda ay ka qaado aagga xerada Goojacadde ee duleedka magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daray in dhammaadka Bishan ay Somaliland ka bixi doonto halkaasi, si ay uga jawaabto baaqyada uga imaanaya gudaha iyo dibadda.
Xogo hoose ayaa sidoo kale ku warramaya in bixitaanka ciidanka Somaliland ay wax ka og yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo haatan dadaal ku bixinaya in ay wada-hadal bilaabaan Somaliland iyo SSC-Khaatumo.
Colaadda Laascaanood oo taagan in ka badan 7 bilood ayaa waxa ka dhashay khasaare baaxad weyn oo isugu jiro naf iyo maalba leh waxaana sidoo kale ku bara-kacay kumanaan rayid ah.
Si kastaba, xaaladda ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo mararka qaar dagaallo goos goos ah ay ka dhacayeen duleedka magaalada Laascaanood.