Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada gobollada Sool iyo Sanaag

0

HARGEYSA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobollada Sool iyo Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan si ay weeraro ugu qaado Deegaanadii horay looga qabsaday.

 

Wararka ayaa sheegaya in gurmad xoogan ay 48 saac ugu dambeysay ka soo kala baxeen Hargeysa iyo Burco kuwaasi oo la sheegay in ay si gaar ah ay ugu wajahanyihiin Oog, Qorilugud iyo Burdharkeyn.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa digniin culus u diray Biixi iyo Ciidankiisa kuwaasi oo ay uga digeen in ay haddii ay isku dayaan in ay weeraaro soo qaadaan ay jawaabi doonaan.

Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday bilo ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here