Somaliland oo markale ku hanjabaad culus u diray SSC-KHAATUMO

0

HARGEYSA (SMN) – Korneel Saciid Cawil Caare oo horay usoo noqday hoggaamiyaha jabhad la dirirtay Somaliland, balse markii dambe la heshiiyay xukuumadda madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalka Laascaanood.

Korneelka ayaa weerar afka ah ku qaaday SSC-KHAATUMO, wuxuuna sheegay in aysan ka talin karin Sool, Sanaag iyo Cayn, isaga oo tilmaamay inay ka tirsan yihiin Somaliland.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyay in Somaliland ay qaadi doonto tallaabo deg deg ah oo ay uga jawaabeyso dhaq dhaqaaqyada ay SSC ka wado xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo ay labada dhinac dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadaan gobolka Sool, taas oo keentay cabsi xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here