HARGEYSO (SMN) – Somaliland oo markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay dagaalka ka socda Ceerigaabo ayaa sheegtay in guul wayn ay ka gaartay SSC-Khaatumo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay oo shalay dhacay jab lagu gaarsiiyay SSC.
Sidoo kale wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay ciidamada ku sugan jiidda hore ee dagaalka, waxayna sheegtay inay ku boggaadineyso difaacidda deegaanka.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan;-
Hargeysa-18-12-2024() Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay hambalyo iyo boogaadin u diraysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, jabkii ay gaadhsiiyeen kooxaha huwanta ah ee shalay gelinkii danbe weerarka ku soo qaaday fadhiisamada Ciidanka Qaranka ee bariga Magaalada Ceerigaabo.
Wasaaraddu waxay si wayn u boogaadinaysaa Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo markasta u taagan difaaca Qarannimada iyo xaqiijinta Amniga guud ee dalka, Ciidamada Qaranku waa naftood hurayaal waxayna shalay Qaranka u soo hooyeen guul wayn, waxayna cadawga tuseen in cidkasta oo u soo haqal taagta waxyeelaynta Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland in ay la kulmayaan tallaabo aanay mahadin.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay u taagan tahay oo astaan u ah nabad, horuumar, Dumuqraadiyada iyo himilooyinka lagu xaqiinayo halka Qarankani higsanayo, balse Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland marnaba gorgortan ka gelimayso waxkasta oo taabanaya ama waxyeelaynaya Qarannimada, wada jirka Bulshada iyo amniga guud ee Dalka.