LAMPEDUSA, Talyaani – Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan muhaajiriin Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii laba doon oo ay saarnaayeen ay ku degeen badda u dhow jasiiradda Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga, Arbacadii.
Doonyaha ayaa ka ambabaxay xeebaha dalka Libya, waxaana la socday muhaajiriin kasoo jeeda dalalka Soomaaliya, Suudaan, iyo Pakistan. Mas’uuliyiinta jasiiradda ayaa sheegay in muhaajiriintu ay saacado badan ku jireen badda kahor intii aysan doonyuhu degin.
Meydka dadka la helay ayaa la geeyay xarumo lagu sameynayo baaritaanno caafimaad, balse saraakiishu waxay sheegeen in ay jiraan caqabado la xiriira meelaha meydadka lagu hayo oo kooban.
Dhakhaatiirta deegaanka ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya baaritaannada.
Waxaa dhacdada laga soo badbaadiyay 60 qof, iyadoo afar kamid ah ay qabaan dhaawacyo culus oo ay kamid yihiin laf-jab, waxaana la dhigay isbitaalka si loo dabiibo.
Sidoo kale, meydka ilmo yar oo ah gabar hal sano jir ah ayaa laga helay biyaha, taasoo si weyn u gilgishay dareenka dadka deegaanka iyo shaqaalaha gurmadka.
Jasiiradda Lampedusa ayaa muddo dheer ahayd meel ay si joogto ah u tagaan muhaajiriinta doonaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub, waxaana dhacdadan ay muujineysaa halista iyo baaxadda musiibada bini’aadantinimo ee ka taagan marin-biyoodkaasi.




