Soomaali ku nool Mareykanka oo dacwad ka gudbisay go’aanka Trump

0

Boston, Mareykanka – Qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa dacwad sharci ah ka gudbiyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, iyagoo ka soo horjeeda qorshaha lagu soo afjarayo maqaamka dhowrista kumeel-gaarka ah ee loo yaqaanno TPS, kaas oo saameynaya in ka badan kun qof oo Soomaali ah.

 

Dacwaddan oo Isniintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 9-ka Maarso laga diwaangeliyey maxkamadda federaalka ee magaalada Boston, ayaa timid ka dib markii dowladda Mareykanku ay ku dhowaaqday in la soo afjarayo barnaamijkan oo dadka u oggolaanaya inay dalkaas ku noolaadaan kuna shaqeystaan iyadoo aan laga baqayn in la tarxiilo.

Barnaamijka TPS ayaa ah fursad gaar ah oo dowladda Mareykanku ay siiso dadka ka soo qaxay dalalka ay ka jiraan dagaallada, musiibooyinka dabiiciga ah ama cadaadiska siyaasadeed. Xoghayaha Amniga Gudaha ee xilka ka degaysa, Kristi Noem, ayaa bishii Janaayo sheegtay in go’aanka lagu joojinayo barnaamijkan uu salka ku hayo horumar ay sheegtay in laga sameeyey xaaladda Soomaaliya, taas oo ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ay dib ugu laaban karaan dalkooda hooyo.

Hase yeeshee, afar muwaadin oo Soomaali ah iyo laba urur oo u dooda xuquuqda bani’aadanimada oo dacwadda hor kacaya ayaa ku doodaya in go’aanka maamulku uu ahaa mid si khaldan loo maray, isla markaana ay ka dambeyso ujeeddo takoor ah oo horey loo sii qorsheeyey. Qareennada u doodaya dadkan ayaa caddayn ahaan u soo qaatay hadallo isdaba joog ah oo uu horay u yiri Madaxweyne Trump, kuwaas oo uu ku weeraray dadka Soomaaliyeed, isagoo ku sifeeyey ereyo meel ka dhac ah oo muujinaya inuusan doonayn inay dalka sii joogaan.

Dacwaddan ayaa muhiimad weyn u leh boqollaal qoys oo Soomaaliyeed oo hadda wajahaya khatar dhanka sharciga ah, waxaana la filayaa in maxkamaddu ay dhowaan go’aan ka soo saarto haddii la laalayo go’aanka dowladda iyo haddii kale. Haddii dacwaddu ay guuleysan weydo, dadka haysta sharcigan ayaa lumin doona xuquuqdii ay ku joogeen dalka Mareykanka, taas oo u horseedi karta in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here