Dowladdaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa codsaday kulan degdeg ah oo ay yeeshaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si looga hadlo cawaaqibka weerarradii dhowaan Israa’iil ku qaaday Suuriya.
Codsigan ayaa yimid kadib wadatashiyo dhexmaray wakiillada Carabta ee fadhigoodu yahay Magaalada New York.
Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu kulankaas yeesho maanta si looga hadlo duqeymaha ay Israel ka wado gudaha dalka Syria.
Dalalka Aljeeriya, Sierra Leone, iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Guyana, ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda ku aadan midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.
Dowladahani waxay si joogto ah ugu baaqan in aan laga fogaado faragelinta arrimaha gudaha ee Suuriya, islamarkaana si degdeg ah looga qaado cunaqabataynta.
Si-kastaba, dowladdaha ayaa u arka duqeymaha Israel ay ku hayso goobaha milatari ee Suuriya mid uga sii dareysa xaalada amni ee dalkaasi.


