MUQDISHO [SMN] โ Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa saxiixay heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faaโiideysiga shidaalka, kadib kulan uu la yeeshay Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan, Parviz Shahbazov.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire, ayaa lagu sheegay, “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-garad la saxiixday Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qaybta saliidda iyo gaaska.”
Iskaashigan, sida uu sheegay Wasiir Daahir, ayaa ah talaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo shidaalka iyo gaaska ee Soomaaliya, iyadoo laga faaโiideysanayo khibradda dalka Azerbaijan ee ku aaddan tamarta.
Heshiiskan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo ka mid ah dadaalada Soomaaliya ay ku doonayso in ay horumariso kheyraadkeeda shidaalka, iyadoo ay diyaar u tahay in ay ka faaโiideysato iskaashiga caalamiga ah si loo xoojiyo dhaqaalaha iyo tamarta ee dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis shidaal la gashay Turkiga, oo Markab sahmin ah usoo diray xeebaha dalka, kaasoo soo afmeeray wajiga koowaad ee howlgalkiisa, iyadoo xogta meelaha shidalka ku jira badda dhawaan la shaacinayo.