Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Ku Heshiiyay In Baasaboorrada Diblumaasiga Laga Dhaafo Dal-ku-galka

0

Kampala, 15 Oktoobar 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in muwaadiniinta wata baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal aan looga baahneyn fiiso (dal-ku-gal) marka ay u safarayaan midba midka kale.

 

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), uu is-afgarad rasmi ah la saxiixday Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Mudane Samir Sharifov.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, kaas oo sanadihii u dambeeyay si isa soo taraysa u kobcayay.

Heshiiskan cusub waxa uu ka tarjumayaa dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dib u soo celinta sumcadda iyo saameynteeda diblumaasiyadeed ee caalamka, isagoo calaamad u ah ballaarinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here