Muqdisho – Wasiirka Amniga Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Ciraaq, oo uu hoggaaminayay La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali, iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha, iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.
Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda, isagoo xusay in ay tahay tallaabo hor leh oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga iyo la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Booqashadani ayaa daba socota safarkii uu Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya dhawaan ku tagay dalka Ciraaq, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo dhaxeeya labada wasaaradood.
Heshiiskaas ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, is-dhaafsiga aqoonta, iyo ka faa’iidaysiga waayo-aragnimada Ciraaq ee dagaalka ay kula jiraan kooxaha sida Al-Shabaab oo kale ah.




