Soomaaliya iyo Hindiya oo New Delhi Ku Yeeshay Kulan Laba Geesood ah

0

Hindiya — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta magaalada New Delhi kulan laba geesood ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr. Subrahmanyam Jaishankar.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka, kuwaas oo muhiim u ah horumarka iyo koboca labada dal.

Wasiir Cabdisalaam Cali ayaa muujiyay mahaddaq iyo qaddarin ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Dhankooda, labada wasiir ayaa isku raacay in la sii wado xiriir dhow iyo wadatashi joogto ah, isla markaana la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan istiraatiijiga ah uu u beddelmo natiijooyin la taaban karo oo faa’iido u leh labada shacab.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah iyo horumarinta danaha dibadda ee dalka.

May be an image of the Oval Office, dais and textMay be an image of the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here