Pretoria, Koonfur Afrika – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola, ayaa maanta magaalada Pretoria ku yeeshay wada-hadallo laba-geesood ah oo muhiim ah.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumar waara iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada ay siiso madax-bannaanida, midnimada iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay doorka taariikhiga ah ee Koonfur Afrika ay ka qaadatay garab istaagga Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhow iyo xiriirka laba-geesoodka ah, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo, si iskaashiga labada dal loogu beddelo horumar dhab ah oo si toos ah ugu adeegaya danaha labada shacab.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxaa kulankan ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq.






