Soomaaliya iyo Masar oo kulan laba-geesood ah oo lagu xoojinaya iskaashiga yeeshay

0

Addis Ababa – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta kulan laba-geesood ah la yeeshay dhiggiisa Masar, taasoo ka dhacday dhinaca shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

 

Labada dhinac ayaa ku adkeystay xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Waxa kale oo ay isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta dhinacyada iskaashiga diblomaasiyadeed, nabad iyo amni, ganacsi iyo maalgashi, iyagoo sidoo kale ballan qaaday in lagu sii wado xiriirka dhow ee kanaalka diblomaasiyadeed ee hadda jira si loo horumariyo himilooyinka wadaagga ah ee ku aaddan xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada labada dal ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah iyo horumarinta xiriirka siyaasadeed iyo ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

May be an image of textNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here