Soomaaliya iyo Masar oo Soo Gabagabeeyay Wada-hadallo Farsamo Ku Saabsan Howlgalka AUSSOM 

0

QAAHIRA [SMN] – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay wada-hadallo farsamo oo muhiim ah oo ay la yeelatay Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM, oo ah howlgalkan amni ee ka dhanka ah argagixisada.

 

Jamhuuriyadda Masar ayaa si cad u muujisay ka go’naanshiyaha ay u leedahay taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, iyadoo xaqiijisay in ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato hawlgalka AUSSOM si loo xoojiyo amniga iyo nabadda gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogtahay doorka muhiimka ah ee Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ee ka hawlgala Soomaaliya, waxaana ay ka rajaynaysaa in taageerada Masar ay ka mid noqoto gacan ka geystayaasha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale rajaynaysaa in taageerada ay helayso ka timaada Masar ay qayb weyn ka noqon doonto xoojinta howlgalka AUSSOM iyo ka hortagga hanjabaadaha amni ee ka imaanaya kooxahan.

Masar ayaa horey ugu lug lahayd taageerada amni ee Soomaaliya, iyadoo qeyb ka ahayd isku dayada lagu doonayo in lagu joojiyo argagixisada iyo khataraha gobolka ka imaanaya.

Wada-hadalladan ayaa muujinaya xiriirkii sii xoogeysanayay ee u dhexeeyay labada dal, iyo doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya iyo Masar ka wada qaadanayaan xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here