QAAHIRA (SMN) – Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa qorsheynaya inay qaadaan tallaabo cusub, iyaga oo mar kale isugu imaanayo wada-hadallo xasaasi ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wada-hadalladan oo lasii qorsheeyay ayaa la filayaa in todobaadka dambe ay ka dhacaan magaalada Qaahira oo ay wafdi culus u diri doonto dowladda federaalka Soomaaliya.
Labada dal ayaa diiradda saari doono ka qaybgalka Qaahira ee howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya, kaas oo sanadkan cusub ka bilowday gudaha Soomaaliya.
Sida uu qorshuhu yahay kulanka ayaa qabsoomi doono inta u dhaxeysa 15-ka illaa 17-ka bishan Janaayo, iyada oo wasaaradda arrimaha dibadda ay usii diyaar garowday wada-hadallada cusub oo lagu dhammeystiri doono qorshaha Masar ee imaanshaha dalka.
Ujeedka ugu wayn ee wada-hadalkan ayaa ah mid looga gol-leeyahay in la isku waafajiyo qorsheyaasha labada dal ee ku aaddan howlgalka AUSSOM, laguna qeexo doorka Masar ee taageerada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty waxa uu xaqiijiyey taageerada adag ee dalkiisa, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, ee ku aaddan qarannimada, madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasillooni.
Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM.