Qaahira, Masar – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta magaalada Qaahira kula yeeshay la-tashiyo rasmi ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.
La-tashiyadan ayaa hoosta ka xarriiqay qotodheeraanta iyo adkaanta xiriirka istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyada oo diiradda la saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo isku-duwidda mowqifyada la xiriira arrimaha gobolka.
Dowladda Masar ayaa mar kale adkaysay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa garab-istaagga joogtada ah ee Qaahira ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi istaraatiiji ah oo wax ku ool ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, gaar ahaan Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.






