Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada-tashi diblomaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim binu Xamad Al-Thani.
Intii uu socday wadahadalka, Madaxweynaha ayaa Amiirka Qatar la wadaagay mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah qorshe kasta oo halis gelinaya midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee uu dalku ku leeyahay amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo buuxa oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan, isagoo xaqiijiyey taageerada Qatar ee Soomaaliya.




