Kigali – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), ahna Danjiraha aan deegaanka ahayn ee Rwanda iyo dalal kale, Mudane Ilyas Cali Xasan, ayaa maanta magaalada Kigali ku saxiixay Heshiis Iskaashi Guud oo dhexmaray Soomaaliya iyo Rwanda.
Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Rwanda u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Rwanda, Mudane Amb. Olivier Jean Patrick Nduhungirehe.
Ujeeddada heshiiskan ayaa ah in lagu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyadoo la ballaarinayo wadashaqeynta dhinacyada soo socda:
- Diblomaasiyadda
- Ganacsiga
- Maalgashiga
- Dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga dhaqan-dhaqaale, horumarinta danaha wadajirka ah, iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo gacan ka geysan doonta barwaaqada iyo horumarka dalalka xubnaha ka ah gobolka Bariga Afrika.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Rwanda, isla markaana saldhig u noqon doonta iskaashi waara oo ku dhisan ixtiraam iyo dan wadaag.



