Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo Saxiixay Heshiis Iskaashi Ciidan

0

Muqdisho/Riyaad – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan.

 

Heshiiskan cusub ayaa sii xoojinaya iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal, isagoo daboolaya dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan, sida tababarka ciidanka, qalabka milateriga, iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya ee dhinaca howlgalada ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta nabadgelyada gudaha, iyadoo heshiiskan uu qayb ka yahay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah iyo horumarinta awooda difaaca Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here