Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay dib u habeynta Ciidanka Xoogga

0

ROMA (SMN) – Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas, Ibraahim Sheekh Muxyaddiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidamada Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

 

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamadda Military-ga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS Ibraahim Sheekh Muxuddiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga, Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here