Soomaaliya iyo Turkiga oo wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay Qaahira + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda FS ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa booqasho ugu tagay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar Danjire Salih Mutllu SEN.

 

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal,sidoo kale Danjire Salih Mutlu ayaa hambalyeeyey Danjire Awaare.

Dhinaca kale danjire Awaare ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta Danjire Cabdulcasiis Almadar oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal ee soojireenka ah .Sidoo kale labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here