Soomaaliya iyo Turkiga oo Xusay 60 Sano oo Xiriir Diblomaasiyadeed ah

0

ANKARA — Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 60 sano guuradii ka soo wareegtay markii si rasmi ah loo aas-aasay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somalia iyo Turkiye.

 

Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday Ankara, wasiirku wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uusan ku koobnayn 60 sano oo keliya, balse uu soo jiray qarniyo badan, kuna dhisan yahay “qiyam wadaag, diin wadaag, iyo masiir wadaag.”

Wasiir Cabdulqaadir ayaa si gaar ah u xusay booqashadii taariikhiga ahayd ee uu sanadkii 2011 ku yimid Muqdisho Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilli Soomaaliya ay wajahayeen abaar daran iyo xaalado amni oo cakiran.

“Wuxuu tegay meel ay dad badan sheegeen inaan la tegi karin,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in booqashadaasi ay Soomaaliya u horseeday rajo cusub xilli ay caalamku ka sii jeedsanayeen.

Wuxuu tilmaamay in Erdogaan uusan kaligiis imaan, balse uu la socday wasiirro, mas’uuliyiin, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo qoyskiisa, inkastoo ay jireen khataro amni.

“Markii qaar arkeen khatar, Turkigu wuxuu arkay masuuliyad,” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay booqashadaasi mid ka baxsan booqasho dowladeed oo caadi ah, isagoo ku sifeeyay “ku dhawaaqis midnimo” oo wax ka beddeshay jihada taariikhda Soomaaliya.

“Booqashadaas waxay dib noo siisay karaamadeenna, waxayna shacabka Soomaaliyeed u sheegtay inaan kaligeen ahayn,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in tan iyo markaas Turkigu uu ballaariyay taageeradiisa dhinacyada bani’aadannimada, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Mashruucyo ay taageertay Ankara ayaa horseeday dhismaha isbitaallo, waddooyin iyo iskuullo, halka barnaamijyada deeqaha waxbarasho ay fursad siiyeen kumannaan arday Soomaaliyeed oo waxbarasho sare ku soo qaatay Turkiga.

“Turkigu kama uusan hadlin Soomaaliya meel fog, balse wuxuu ka shaqeeyay Soomaaliya, la shaqeeyay Soomaaliya, una shaqeeyay Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in furitaanka safaaradda Turkiga ee Muqdisho xilli dalal badan ay ka caga jiidayeen ay dib u soo celisay kalsoonidii caalamiga ahayd ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu xusay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee la saxiixay Febraayo 2024, isagoo ku tilmaamay “tallaabo aan laga laaban karin” oo dhidibada u aasaysa iskaashi istiraatiiji ah oo dhameystiran.

“Ma ahan oo kaliya gargaar aan ka hadleyno, balse waa wax-soo-saar wadajir ah, amni wadaag iyo barwaaqo wadaag,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in maraakiibta sahminta shidaalka ee Turkiga, sida Oruç Reis iyo Çağrı Bey, ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka badda Soomaaliya.

Turkigu sidoo kale wuxuu door muuqda ka qaatay taageerada la dagaallanka argagixisada iyo tayeynta ciidamada ammaanka, taasoo muujinaysa kaalinta sii kordheysa ee Ankara ku leedahay Geeska Afrika.

Gabagabadii, Wasiir Cabdulqaadir ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uusan ku dhisneyn dano ku meel gaar ah, balse uu yahay mid ku saleysan walaaltinimo iyo mustaqbal wadaag.

“Ma nihin oo kaliya laba dowladood oo iskaashi sameynaya,” ayuu yiri, “balse waxaan nahay laba shacab oo ay mideyso taariikh, qiyam iyo mustaqbal wadajir ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here