New Delhi – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Jamhuuriyadda Yemen, Danjire Mustafa Axmed Noman, kulan ka dhacay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.
Kulankan ayaa qabsoomay dhinacyada shir-madaxeedka Hindiya iyo Dalalka Carabta , waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo kor u qaadista isku-duwidda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Yemen.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarrada ka socda Badda Cas, Geeska Afrika, iyo guud ahaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka. Sidoo kale, waxay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan caqabadaha amni ee wadajirka ah, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida badda iyo nabadda gobolka.
Wasiir Cabdisalaam Cali iyo Danjire Mustafa Axmed Noman ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta diblomaasiyadeed, lana sii wado la-tashiyo joogto ah oo ku saabsan arrimaha goboleed iyo kuwa caalami ah ee danaha wadaagga ah leh.
Kulankan ayaa muujinaya xiriirka taariikhiga ah iyo kan walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyo sida ay labada dal uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.






