Soomaaliya oo Beenisay Warar Sheegaya Heshiis Sir ah oo Ay la Gashay Sweden

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in ay la gashay Sweden heshiis sir ah oo lagu xirayo kaalmada horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxay sheegtay in eedeymahaasi yihiin been abuur iyo marin-habaabineed, ayna jirin wax heshiis noocaas ah. Wararkaasi ayaa sababay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Muqdisho ay ku adkeysatay in dhammaan taageerada caalamiga ah lagu maamulo si hufan oo waafaqsan nidaamka dowliga ah.

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here