Soomaaliya oo Sacuudi Carabiya ugu Hambalyeysay Maalinta Aas-aaskeeda

0

Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran ugu hambalyeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya munaasabadda Maalinta Aas-aaska, oo ah maalin taariikhi ah oo lagu xuso bilowgii dawladnimada Sacuudiga.

 

Soomaaliya waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirtay Mas’uulka Labada Masjid ee Barakeysan, , hoggaanka, dowladda, iyo shacabka Sacuudiga, iyadoo u rajeysay xasillooni, barwaaqo iyo horumar qaran oo sii socda.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale muujisay qiimaha ay siiso xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal, waxayna caddeysay rajadeeda ku aaddan in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo lagu saleynayo ixtiraam iyo danaha wadaagga ah.

Maalinta Aas-aaska Sacuudiga ayaa sanad kasta si weyn looga xusaa dalkaas, iyadoo lagu maamuuso taariikhda iyo midnimada qaranka Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here