Soomaaliya oo Cambaaraysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

0

MUQDISHO,SOOMAALIYA – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, uu ku tegay magaalada Hargeysa, taas oo ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

 

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in booqashadaasi ay tahay faragelin aan la aqbali karin oo ka hor imaanaysa Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika, iyo xeerarka caalamiga ah ee xiriirka dowladaha madaxbannaan.

Intii uu booqashada ku jiray, Sa’ar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi,(Cirro) iyagoo si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa.

Booqashadan ayaa timid kaddib markii Israa’iil 26-kii Diseembar si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, taas oo dhalisay caro ballaaran oo ka timid dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo gobolka ah.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale isku yeeray shir deg-deg ah si looga hadlo go’aanka Israa’iil, iyada oo walaac laga muujiyay saameynta uu ku yeelan karo xasilloonida iyo midnimada gobolka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here