Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay weerarada dambiyada ah ee ay fulisay Ciidanka Degdegga ah ee RSF ee ka dhacay gobollada waqooyig iyo koonfurta Kordofan, kuwaasoo ku bartilmaameedsaday xarumaha rayidka iyo konvoyyada gargaarka ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac rayid ah.
Soomaaliya waxay sheegtay in falalkan ay yihiin xadgudubyo cad oo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo dhammaan xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya.
Soomaaliya waxay dalbatay in RSF ay si degdeg ah u joojiso xadgudubyadan, fuliso waajibaadkeeda sharciga iyo midka anshaxa ah ee ilaalinta rayidka, hubiso in gargaarka bani’aadannimo si amaano ah oo aan shuruud lahayn loo gaarsiiyo, isla markaana si buuxda ugu hogaansanto Bayaanka Jeddah ee Ilaalinta Rayidka ee Sudan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale mar kale ku adkaysay taageerada ay u hayso midnimada, madaxbannaanida, amniga iyo xasiloonida Sudan, iyadoo taageeraysa dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu joojinayo dagaalka, isla markaana digniin ka bixisay khataraha faragelinta dibadda ee si toos ah u kordhin kara colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee shacabka walaalaha ah ee Sudan.




