Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Kuweyt munaasabadda Maalinta Qaranka ee dalkaas.
Soomaaliya waxay si gaar ah hambalyo ugu dirtay Amiirka Dowladda Kuweyt, Sheekh Meshal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, iyadoo u rajeysay hoggaankiisa iyo shacabka Kuweyt horumar, barwaaqo iyo xasillooni sii waarta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qadarinaysaa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya labada dal, waxayna muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta ku dhisan ixtiraam, walaaltinimo iyo dan-wadaag.





