MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta si rasmi ah u furtay Wadatashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu falanqeynayo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025–2030).
Shirka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha dowladda, hay’adaha dawladda, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo ujeedadu tahay dib u eegista, turxaan bixinta iyo mideynta khariidadda dhijitaalka ee dalka, si loo helo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay, adeegyo casri ah iyo hal-abuurnimo joogto ah.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo hadal ka jeediyay furitaanka, ayaa sheegay in istaraatiijiyaddani ay calaamad u tahay tallaabo dhab ah oo loo qaaday dhismaha nidaam dhijitaal ah oo waara, taas oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay horumarto dhanka teknoolojiyadda.
“Waxaan u baahanahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si aan u hirgelinno istaraatiijiyaddan, isla markaana aan u xaqiijinno waaritaankeeda,” ayuu yiri Maareeyaha.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), ayaa dhankiisa tilmaamay in istaraatiijiyaddu ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha ICT-ga ee ka socda qeybaha kala duwan ee dalka.
“Dowladdu waxa ay ka go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah iyo horumarinta kartida shaqaalaha si loo dardargeliyo adeegyada dowladda, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Wasiirka.
Inta lagu jiro labada maalmood ee wada-tashiga, ka-qaybgalayaashu waxay diiradda saari doonaan:
- Aragtida Dhijitaalka ee Soomaaliya
- Tiirarka Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Hirgelinta
- Qaab-dhismeedka Maamul iyo Maalgelin
- Waafaqsanaanta istaraatiijiyadda Soomaaliya la leh kuwa Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Shirkan ayaa ah mid muhiim u ah xoojinta hanaanka dhijitaalka ah ee Soomaaliya, loona arko fursad lagu mideynayo dadaallada ICT-ga si dalka ugu tallaabsado mustaqbal dijitaal ah oo casri ah, caddaalad ah, kana jawaabaya baahiyaha bulshada.




