Soomaaliya oo guddoomisay shirar hordhac u ah kulanka guud ee M/Afrika

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

 

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo sidoo kale ay kulanka soo xaadireen dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga waxaana shir guddoominayey Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here