Soomaaliya oo heshay deeq lacageed oo ka timid Mareykanka + Sawirro

0

NEW YORK (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Maalgashiga XFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u saxiixeen heshiis deeq horumarineed ah oo ka timid hay’adda USAID oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 68.5 Milyan oo Doolar oo wax looga qabanayo arrimaha horumarinta deegaanada dhawaan laga saaray argagixisada.

 

Munaasabad kooban oo saxiix ah kadib, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qosheynta Qaranka Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenabeene ayaa mahadcelin kadib, waxa uu hoosta ka xariiqay in lacagtaan deeqda ah inteeda badan Dowladdu ay u adeegsan doonto horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Maaamul-Wanaagga deegaanada Dowladdu ka xoreysay cadawga argagixisada ah, Wasiir Beenabeene ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dowladdu hubin doonto in dhaqaalahaan uu ku baxay halkii saxnayd iyo ciddii mudnayd.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo isna dhankiisa u mahadceliyay Hey’adda USAID ayaa sheegay in deeqdani ay tahay cashuurta ay bixiyaan shacabka Mareykanka, si taas lamid ah ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta, si looga maarmo kaalmada dibada ka timaada.

Catie Lott oo ah madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaan uu ka tarjumayo heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya, sidoo kale waxa ay tilmaantay in ay jeclaan laheyd arkidda natiijada wanaagsan ee ka dhalata deeqda ay bixiyeen deegaanada lagu maalgaliyo.

Heshiiskaan ay maanta wada saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa abuuraya xasilooni iyo horumarka mustaqbalka dhaw ee bulshooyinka magaalooyinka iyo miyiga oo la hormarinayo adeegyadooda aasaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here