Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka

0

Qaahira, Masar — Magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaas waxaa ku matalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.

 

Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal ah loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo maalgashi, hal-abuur, iyo aqoon-wadaag, kuwaas oo saldhig u ah horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta iyo adeegyada tiknoolojiyadda casriga ah ee dalalka Carabta.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka, iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur, aqoon wadaag, iyo tiknoolojiyad casri ah.

May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎لواالسة た泉 و eig العاديةالشتعقوال الوزراءا جلس والععلو صالاتواعو صالات القاهرة 2ස الخميسيير A T က 5 KA QEYB GALKA SOOMAALIYA EE SHIRKA GOLAHA WASAIIRADA CARABTA EE ISGAARSIINTA IYO MACLUUMAADKA. J.F.S ဖိ EGYPT 田 22-JAN-2026 22- JAN- 2026‎"‎‎May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎والعشرون التاسعة التاتصفولعشرون ပာဆု انحورة والمعلومات للاتصالات العرب الوزراء لمجلس 2021 جہبي 足山時 الفاصرة T HA J.F.S KA QEYB GALKA SOOMAALIYA EE SHIRKA GOLAHA WASAIIRADA CARABTA EE ISGAARSIINTA IYO MACLUUMAADKA. 요 EGYPT 22-JAN-2026 22- JAN- 2026‎"‎‎

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here