Soomaaliya oo ka qayb-gashay shir looga hadlayo qaddiyadda Falastiin + Sawirro

0

GAZA (SMN) – Wadanka Algeria waxaa si rasmi ah uga furmay fadhiga 36-Aad ee shirka midowga baarlamaanada Carabta oo ay sanadkan marti gelineyso dowladda Aljeria, shirkaasi waxaa Soomaaliya ku matalaya wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud.

 

Shirka sanadkan oo looga hadlayo arrinta Falastiin ayaa Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo wafdiga Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb gelaya hoggaaminaya ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimaha falastiin Iyo mowqifka ay Soomaaliya ka taagantahay.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay faragelinta dowladda Itoobiya ay ku heyso madaxa bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,taasoo uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here