Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirka 59-aad Ee Gaarka Ah Ee Golaha Wasiirrada EAC

0

Arusha – Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Urur-Goboleedka Iskashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa Soomaaliya ku metelay Shirka 59-aad ee Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada EAC oo ka qabsoomay xarunta ururka ee magaalada Arusha.

 

Shirkan oo ay ka qayb galeen Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka Iskashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimo la xiriira xoojinta isdhexgalka gobolka iyo hirgelinta go’aannadii kasoo baxay Shir Madaxeedka EAC.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa kulanka ku muujiyey doorka iyo muhiimadda ay Soomaaliya siinayso iskaashiga gobolka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka dhaqaale, ganacsi iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka.

Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta isdhexgalka dhaqaale, kor u qaadidda iskaashiga gobolka, iyo taageeridda nabadda iyo xasilloonida dalalka ku mideysan Urur-Goboleedka Iskashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika.May be an image of studying and table

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here