Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirka Baarlamaanada Adduunka + Sawirro

0

GENEVA (SMN) –  Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

 

Shirka waxaa sanadkan looga hadlayaa ka faa’iidaysiga sayniska, teknoolojiyada iyo hal-abuurka (STI) si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara,waxaana madaxa ka qeyb galeysa shirka inta uu socdo is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khudbad ka jeedin doona shirka ayaa waxa uu kaga hadli doonaa xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha dowladu ay ka gaartay la dagaalanka Argagaxisada, aminga guud ee Dalka iyo sidoo kale horumarka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here