Soomaaliya oo Ka Qeybgashay Shirweynaha Caalamiga ah ee WSIS+20 ee Geneva

0

Muqdisho, 8 Luulyo 2025 – Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa si rasmi ah uga qeybgalay Shirweynaha Sare ee WSIS+20 oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Shirkan heer caalami ah oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Dowladda Switzerland, ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga sameeyay dhanka dhijitaalka tan iyo markii uu bilowday Barnaamijka WSIS labaatan sano ka hor. Sidoo kale, shirku wuxuu diiradda saaray jihada cusub ee horumarinta tiknoolajiyadda iyo sidii loo abuuri lahaa fursado waara oo dijitaal ah mustaqbalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Maxamed Aadan ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Dr. Cosmas Zavazava, Agaasimaha Guud ee Waaxda Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU (BDT), iyo Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Malaysia iyo Jabuuti. Kulammadan ayaa lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa iskaashi dhanka:

  • Horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee dhallinyarada,
  • Xoojinta amniga internetka,
  • Iyo kobcinta maamulka dowladnimo oo ku saleysan dhijitaal.

Wasiir Maxamed Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay sii dardargeliso wadashaqeynta ay la leedahay ITU iyo daneeyeyaasha kale ee caalamiga ah, si isbeddelka dhijitaalka ah uu u noqdo mid si waara ugu faa’iideeya bulshada Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka waxaa sidoo kale ka mid ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland iyo Austria, Amb. Khadra Axmed Ducaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here