Doha, Qatar – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada, oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal iyo istaraatijiyado caalami ah oo lagu ciribtirayo gaajada iyo saboolnimada, isla markaana lagu dhiirrigelinayo iskaashiga dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah.
Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay ka qeybqaadato dadaallada caalamiga ah ee lagu yareynayo gaajada iyo faqriga, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga, wada-shaqaynta, iyo dedaalka joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysigan.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay qorsheyaal lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha, taageerada beeralayda, iyo fidinta adeegyada bulshada, si loo yareeyo baahida iyo saboolnimada.
Wuxuu ku booriyey beesha caalamka inay sii wadaan taageerada Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar dhaqaale oo la taaban karo.
Shirkan ayaa la filayaa inuu dhiso iskaashi cusub oo xooggan oo u dhexeeya dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo istaraatijiyad wax ku ool ah oo lagu ciribtirayo gaajada iyo saboolnimada, gaar ahaan wadamada ay xaaladdu ka liidato.



