MUQDISHO, 8 Oktobar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay qorshe cusub oo lagu dari doono afka Sawaxiliga manhajka waxbarashada dalka ee dugsiyada iyo jaamacadaha, si kor loogu qaado is-dhexgalka dhaqameed, waxbarasho, iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika.
Qorshahan ayaa yimid ku dhawaad sanad kaddib markii Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2024.
Isagoo ka hadlayay Shirka Labaad ee Iskaashiga Bariga Afrika (EACON2025) oo ka socda magaalada Muqdisho, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay jaamacadaha Soomaaliyeed in ay hoggaan ka noqdaan barista iyo horumarinta afka Sawaxiliga, oo ah luqadda dhexe ee wadamada Bariga Afrika.
“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan jaamacadaha kale waa inay horseed ka noqdaan baridda afka Sawaxiliga – afka mideeya bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wasiirka Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa isna sheegay in dowladda ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha waxbarashada ee gobolka si loo diyaariyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu barto Sawaxiliga.
“Waxaan doonaynaa in Sawaxiliga uu noqdo luqadda waxbarashada, ganacsiga iyo isgaarsiinta gudaha gobolka. Xitaa shirarka mustaqbalka ee noocan ah waxaan rabnaa in lagu qabto afka Sawaxiliga halkii laga isticmaali lahaa Ingiriisiga,” ayuu yiri wasiirka.
Guddiga Qaranka ee Sare ee Waxbarashada, oo dhawaan la aasaasay, ayaa sidoo kale wada shaqeyn la leh Golaha Jaamacadaha Bariga Afrika (IUCEA) iyo hay’adaha tayaynta waxbarashada ee EAC si loo hirgeliyo mashruucan.




