Soomaaliya oo ku waysay $125.5 milyan Go’aan kasoo baxay Trump

0

WASHINGTON – Saameyn ballaaran ayaa ka dhalatay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku joojiyay shaqadii hay’adda USAID oo siin jirtay gargaar bani’aadamnimo in ka badan 100 waddan, oo Soomaaliya ay ku jirto.

 

Waxaa la xiray xafiiskii ugu waynaa ee hay’adda USAID ee magaaladda Washington, oo boorkii ku dheganaa albaabkeeda la fujiyay, waxaana shaqadii laga joojiyay  ilaa 10,000 oo qof oo shaqaale ah, iyadoo ku dhawaad laba-meelood saddex ka mid ah shaqaalahaas ay ka shaqeeyaan dalalka dibadda. Shaqaalaha hay’adda ayaa lagu amray inaysan imaan xafiisyada Isniintii, waxaana boqolaal shaqaale ah laga xannibay isticmaalka iimaylkooda shaqo.

Trump ayaa u magacaabey Xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inuu noqdo madaxa ku-meel-gaarka ah ee Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID), taasoo bixin jirtay balaayiin doolar oo gargaar ah adduunka dacalladiisa.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay hay’adda USAID,”musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.” iyo inay maamulaan “dad xag-jir ah oo dhinaca bidix ah,”.  Elon Musk, oo kamid ah la-taliyaasha ugu dhaw Trump, islamarkaana madax ka ah hay’adda aan rasmiga ahayn oo diiradda saarta dhimista kharashaadka, ayaa sheegay in gebi ahaanba la xirayo USAID.

Dalalka uu saameeyay go’aanka Trump waxaa kamid ah Soomaaliya oo hay’adda USAID dhawaaan ugu deeqday $125.5 milyan si howlo gargaar iyo kuwa horumarineed loogu fuliyo. Mas’uul sare oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Barnaamijyada hay’adda USAID kawaday dalka ay ahaayeen kuwa nolol u ah dad badan dad.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ayaa isku dayaya inay raadiyaan ilo maalgelin kale ah iyagoo ugu baaqaya dowladda Maraykanka inay dib u eegis ku sameyso go’aankan. Waxaa jirta cabsi laga qabo in hakintani ay sii xumeyn doonto xaaladda bini’aadamnimo ee Soomaaliya, ee ka dhashay isbedelka cimilada, gaajada, iyo colaadaha.

Intii u dhaxeysa Oktober 2024 ilaa January 2025, USAID waxay Soomaaliya u sameysay ballanqaadyo deeqo dhaqaale ah oo gaaraya $125.5 milyan. Joojinta Trump uu ka joojiyay hay’adda dhaqaalihii ku shaqeyn jirtay ayaa noqotay arin lama filaan ah, oo halis gelinaysa mashaariicda hadda socda.

Trump ayaa fulinaya balan-qaadkiisii doorashadda ee ajendaha “America First” kaas oo ku doonaya in gargaar dibadeed oo Maraykanka ay la jaanqaado danaha amniga qaranka. Ken Jackson oo ka tirsan USAID ayaa sheegay in hakintaasi ay tahay “joojin buuxda”. Ku dhawaad 60 shaqaale oo sare oo USAID ah ayaa la saaray fasax maamul ah sababo la xiriira inay diideen amarka, taasoo muujineysa sida adag ee maamulka uu u dhaqangelinayo awaamiirta.

Hay’adda USAID waxaa la aasaasay 3-dii November 1961, iyada oo uu aasaasay Madaxweynihii xiligaas John F. Kennedy. USAID waa hay’ad ka tirsan dowladda Maraykanka oo ka shaqeysa la dagaalanka faqri iyo xoojinta dimuqraadiyadda guud ahaan dunida.

Hay’adda gargaarka Maraykanka ayaa ku bixisa $40 bilyan sanadkiiba taageerada bini’aadamnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here