Soomaaliya oo laga cafiyay dhammaan deymihii lagu lahaa sanadaha badan

0

NEW YORK (SMN) – Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

 

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016.

Deyn-cafintu waxay dalka u furaysaa jiha cusub oo maalgashi iyo fursado ganacsi ah, waxayna waddada u xaaraysaa iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Cafinta deynta waxay ka qayb qaadanaysaa kor u qaadida awooda dhaqaale ee Soomaaliya waxayna siinaysaa fursado cusub oo ay ku gaarto horumar waara, isla markaana barwaaqo u horseeddo shacabka Soomaaliyeed.

Tallabadan taariikhiga ahi ee ku tilaabsatay dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo maalgashiga shisheeye oo qeyb ka qaadan karo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka.

Intaa waxaa dheer, waxay albaabada u furaysaa kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka ee dhinacyada kala duwan.

Dhammaadka cutubkan muhiimka ah ee ka mid ah taariikhda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareemaya rajo ah in Soomaaliya ay si kalsooni leh ugu gudbi karto mustaqbal ifaya oo caddaalad ah.

Safarkaan maanta soo dhammaaday ayaa soo bilowday sanadkii 2012-kii waxaana xilligaas bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Guushaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay hiigsatay sanadka 2023-ka guulo taarikhi ah, waxa ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, 31 sano ka dib waxaa laga qaaday cunaqabateyn hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here