Soomaaliya oo Loo Ogolaaday Maareynta Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka

0

GENEVA, Switzerland – Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya dib ugu soo celinaya maareynta madaxbannaan ee waajibaadkeeda qaran ee arrimaha xuquuqul insaanka, taasoo markii ugu dambeysay ay lahayd sanadkii 1993-kii.

 

Go’aankan ayaa laga gaaray shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana loo arkaa guul taariikhi ah oo Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamiga ah.

Qaraarkan cusub ayaa meesha ka saaraya soo magacaabista qabiirka xuquuqul insaanka ee Soomaaliya loogu soo diri jiray labadii sanadoodba mar, arrintaas oo muujinaysay baahida taageero caalami ah ee dhanka ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysa wafdiga dowladda ee ku sugan Geneva, ayaa tallaabadan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxay tani daliil u tahay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhismaha hay’adaha garsoorka, sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waa maalin ay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay ku faanaan,” ayay tiri Wasiir Khadiija.

Guushan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Soomaaliya ay ku raadineyso xornimada iyo madaxbannaanida dhameystiran ee qaranimada, iyadoo horay guulo looga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta, iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto kor u qaadista ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyada oo la tixgelinayo dastuurka iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay qeybta ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here