Soomaaliya oo xubin ka noqoneysa maanta Golaha Ammaanka ee QM

0

NEW YORK (SMN) – Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah ay xubin aan joogto ah ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, marka ay dhacdo codbixintii golaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York waxaa ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, si ay doorashada uga qeybgalaaan, iyada oo lagu wado inuu ka hadlo shirka doorashada kadib.

Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonta muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025.

Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano.

Dalalkan ayaa bedelaya Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here