Soomaaliya oo New York ku soo bandhigtay dadaallada horumarinta haweenka

0

New York –  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Bashiir Cumar Ibraahim iyo ku xigeenka safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Qaramada Madoobey Amb Andreas Von Uexkull ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyey kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya kaasi oo ku saabsanaa sidii loo hormarin lahaa Haweenka Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ka dhacay magaalada New York waxaa kasoo qeybgalay oo lagu casuumay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Hormarinta Haweenka kuwaasi oo kasoo wada qeybgalay shir sanadeedka Haweenka Aduunka ee ka socda magaalada New York waxaana Soomaaliya oo shirka soo qabanqaabisay ay kusoo bandhigtay madasha hormarrada xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Soomaaliyeed iyo caqabadaha ku gedaaman.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar oo khudbad ka jeediyey furitaanka Shirka ayaa ugu horeyn ka qeybgalayaasha Warbixin ka siiyey dadaallada iyo Tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday sidii wax looga qabanlahaa dhibaatooyinka heysta Haweenkeena oo ay ugu horeyso ansixinta shuruuc iyo siyaasado looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Haweenka Soomaaliyeed isaga oo dhinaca kalena caalamka uga mahad celiyey taageerradooda.

Ka qeybgalayaasha ka socday dowladaha iyo hay’adaha ee shirka ku sugnaa ayaa Soomaaliya ku bogaadiyey tallaabooyinka ay u qaaday wax u qabashada iyo hormarinta Haweenka waxaana kulankan uu qeyb ka yahay dadaallada ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ugu jirto iney ku Hormariso Haweenkeenna.May be an image of textMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here